X

Nin xaaskiisa ku diley duleedka Muqdisho

Nin xaaskiisa ku diley duleedka Muqdisho. Waxa mudooyinkan dambe aad u badanaya dadka maskaxda ka jirin ee ay ku hoos noolyihiin xaas iyo caruur ayadoo aan looga gurman.

Ninka dilka geystay ayaa lagu Magacaabi jiray Calas Geelle Salaad, waxaana uu ahaa ninĀ  Madaxa ka xanuunsan, laakiin maalmihii lasoo dhaafay xaaladdiisa ay aheyd Mid wanaagsan.


Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Sarkuusa oo ah duleedka muqdisho.

Ninkaan ayaa la sheegay in xanuunkii qaban jiray uu kusoo kacay, islamarkaana uu dilay Xaaskiisa oo Magaceeda lagu soo kooban Hidaayo taasoo u heysay Saddex Caruur ah.


Ehelka ninka falka geystay ayaa sidoo kale ayaa saxaafada u sheegay in gabadha dilkeeda uu u adeegsaday Baankad.

Dhawaan ayay ahayd markii nin maskaxda ka jiran lagu daray gabadh yar kadibna uu qoorta ka jaray. Ninkan ayaa ka yimi qurbaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.