Cid walba oo wada fitno waa in laga hortaga waa waajib ,hadu noqdo muwaadin amba mas’uul qaran waa in laga hortaga oo la joojiyo wuxuu wado waa muhim.
Koox walba oo xisbi gudahiisa ka dhex waday khilaaf iyo kala jabinta maamulkiisa maalin ayay la qaban doona oo iyago qaawan dibad ka ahaanayaan!!.
Aan u soo daadago dulucda maqaalkayga musharaxiinta iyo hogaanka xisbiga bahweynta WADDANI waxa lagu doortay shir gole dhexe oo sharchi ah oo tv yada laga wada daawanayay sida hufan ee u socday oo cadayd in ay dimuqraadiyad lagu wada doortay xilaalka codka loo taagayay.
Somalidu waxay tidhaahda mayd maxaa u danbeeyay aaa la sii sido!!, taa macnaheedu yahay waxqabadkii xisbiga waxa ka soo hor jeestay axmed mumin seed oo waligii khilaaf ka dhex abuuri jiray xisbiga oo ay si dimuqraadi ah qaaweyeen xubnaha golaha dhexe!
Isago liita ayuu dorba xil raadsanaya garabkii khilaafaadka kd dhex abuuri jirayna ay ku baxsadayn waxayna isu bixiyeen garabkan toosinta!! waa mid xildoon ah oo madhan !,qaawana !.
Qoladan la baxday toosinta waddani wax qadarin ah looma hayo,wana Rag madhan wax taageerona aanan haysan!! waxaana leeyahay Xisbi bahweyn ah ayaad ku jirtayn waad khasaartayn oo qadarintii ummada ku dhex haysatayn aad iska luminsayn !!.
Nin aya kula tartamayay wamaxay oohiintan iyo waalidan kugu dhacday axmed muminow??! dicaayada jaban iska daa oo u haniey ninka kaa badshay. madaxweyne ku xigeeenka WADDANI Dr. maxamed cali awcabdi waa nin khibrad dheer ku dhex leh siyaasadda somaliland, kuna leh waliba bulshoweynta gobolka AWDAL taageero balaadhan.
Waa aqoonyahan leh aqoon sare kana soo shaqeynayay ururo kala duwan , kuna guulaystay saxada siyaasada somaliland gudii iyo dibadba miisan culus.
Waa siyaasi cod kar ah oo hadalkiisa ka dhex muuqato fikirkiisa ku wajahan horumarinta somaliland isaga iyo musharaxa madaxweyne Md.C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi CIRRO oo ay noqon doonaan xukuumad taariikhda gali doonta.
Runti labadaas haram waxay soo dhisi doonaan mustaqbal ay somaliland meel dheer ku gaadhi doonto inshalaah.
Ugu danbayn waxaan leeyahay somalilnd waxa u dhintay kumanaan , waxa caafimaadkoodi u waayay kumanaan waxa usoo curyaamay kumanaan dariiqyadda iyo wadooyinka wadhan oo inooga baahan in aynu xus iyo xusuus iyo xurmoba siino , Gud.CIRRO iyo Dr. maxamed waa hogaan wax badan bedeli doona oo ah isbedelka ay umaddo higsanayso ay yihiin maanta.
By Mukhtar Cilmi
Wararkii hore
Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa
Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda
Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI