Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Magaalo dadkeedu hoosta ka guuxo laakiin aan ficil lahayn

Waxa magaalada Boorama cagafta la mariyay dhididka dad badan oo masaakiina dhulkooda iyo jagooyinkooda kadibna loo sheegay inayna ku soo noqon karin. Inkastoo culimada ruuxiga ah sida Sh Xasan Daheeye u sheegeen inay waajib tahay inay difaacdaan hantidooda haddana ilaa hadda ma jiro wax ficila guux hoose mooyee.



Haddaba maxay tahay hoos ka oohintu mar hadaanad difaacanayn hantidaada?

Mashruucan caydhinta ee Boorama laga bilaabay ayaa sidii caadiga ahayd loo sheegay inay yihiin dad ilbaxa oo jecel horumarka, waxayse ku qaldameen oo ayna marnaba is weydiin ma helayaa kharashkii iga galay dhulkeygan cagafta la mariayo.



”Naqshadeyn cidna ma diidana laakiin diiniyan qof markaad hantidiisa burburinayso waa inaad magtiisa siisaa inta aanad taaban laakiin maamulka magaalada Boorama oo caydhintan masuul ka ah ayaan haba yaraate wax aqoona u lahayn arimaha noocana waana iyaga kuwa iska hor keenaya dadka ayuu qabaa Xuseen Warsame.



”Gudoomiyaha cusub ee degmada ayuu ahaa ninkii dalbaday naqshadeynta magaalada waxana lacag farabadan looga cunay qalab aaan tayo lahayn, kaaga daran haba yaraatee wax wacyi gelina iyo tafaasiila kama bixin sida loo fulinayo qorshaha, waxa keliya oo lagu baraarugey cagafeyntahantuida dadka ayuu yiri Xuseen Warsame.



”Maamulka ISAAQ waxba laguma eedayn karo ee dadku hantidooda waxay ku leeyihiin gudoomiyaha degmada Baradho oo isagu masuul ka ah qorshahan markii horeba ayuu yiri Xirsi Warfaa. ”Keliya wuxuu ku celceliyaa in dadku soo dhaweeyay tasas oo been noqotey.

Waxa dhinaca kale soo baxday in guriag laga dudumiyay fanaanada Safiyo Tusmo ay k ahoreeyeen guryo kale oo wadadu maraysay laakiin aan la mariun cagafta taas oo dadka qaarkood u qaateen in iyada si gaara loo beegsaday.



”Fiiri wadadan waxay ku socotey deyrkan iyo ilaa guryaha laakiin halkan ayaa lagu joojiyay halka gurigayga oo wadadu hortiisa ku dhamaanaysay cagafta la mariayay ayay tiri Safiyo Tusmo.



Isku soo duuboo caydhaynta uu ku kacay gdoomiye Baradho oo si aada uga daray kii ka horeeyay isaga ee Caseeye wuxuu isagu kula baxay magac cusub oo ah Caydhiye ayuu yiri Xirsi Warfaa.




Caydhinta magaalada uma malaynayo in sidaa looga tagayo ayuu qaab Xuseen Warsame. ”Maxay naqshadeyn faaiido u leedahay in qof hantidiisa uu waayo faaiido male horumarna ma keenayso marka dooda ah magaaladaan idiin naqshadeyn adoon abuurin shaqo intii jirteyna  uytaha raaciaya waa weerar cad oo lagu soo qaaday shacabka gobolka oo markii horeba ku jirey go’doon ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...