Muqdisho–Koox ilaa hadda aan la garanayn laakiinse u badan argagixisada shabaab ayaa afar ruux shalay ku dilay isgoyska KM4 iyagoo gaadhigii ay wateen ku horgooyay gaadhi kale kadibna rasaas ooda uga qaaday goobtana ka baxsaday.
Marxuumiinta ayaa qaarkood u shaqaynayeen waaxda hawada ee garoonka magaalada Muqdisho waxana qaar ay ka soo jeedaan gobolka Woqooyi galbeed Somaliya.
Magacyada raga argagixisada dishay iyo xilalkooda ayaa ah sidan soo socota: Abukar Cadaani (agaasimaha gaadiidka hawada)
Maxamed Axmed Haaruun (waaxda hagida madaarka)
Xuseen Hilowle Cadaadi wiuxuu isagu ahaa darawalki gaadhiga
Maxamed Kediye Jimcaale (Madaxa maamulka)
Ciidamada nabadsugida ayaa ku dabajirta dhiigmiiratada falkan aan islaamka shaqo ku lahayn fuliyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay