Dawlada Malaysiya ayaa qaaday talaabo adag kadib dilkii dalkeeda loogu gaystey nin ay xaga aabo ka walaalo yihiin hogaamiyaha da’da yar ee Woqooyiga Kuuriya.
Dilka ayaa waxa fuliyay oo ilaa hadda loo qabtey haweenay u dhalatey dalkaasi Fiyadnam oo la saaxiiba dad u dhashay Malaysiya iyo Indooniisiya iyo waliba Kuuriya oo iyagana la qabtey.
Malaysiya ayaa sheegtay in ay u yeedhay safiirkeedii ka joogey dalkaasi Woqooyiga Kuuriya. Ilaa hadda wax wara kama soo bixin Woqooyioga Kuuriya oo diidan in la baadho suntan lagu diley Kim.
Safiirka Woqooyiga Kuuriya u joogaa Malaysiya ayaa Malaysiya ku eedeeyay in ay la jirto cadowga Kuuriya eedayntaas oo Malaysiya si cadho leh uga jawaabtey.
Malaysiya ayaa sheegtay in ay dhiibi karto maydka Kim xilliga uu dhamaado baadhitaan jidhka iyo midka DNA ama dheecaanka oo la filayo arbacada, markaas oo kaliya loo dhiibi eheladiisa oo jooga Shiinaha.
Hadii la waayo eheladiisana lagu wareejin doono dawlada Kuuriya oo iyadu rabto hadda bilaa baadhitaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay