November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maleeshiyada Canfarta iyo Axmaarada oo shac ku dhigey Tigreega

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Woqooyiga Itoobiya iyo gobolka Canfarta ayaa sheegaya in shac weyn lagu dhigey maleeshiyada Tigreega oo hadda soo safaya caruur aan qoriga qaadi karin.




”Tigreega ayaa lagu jabiyay weerar ay ku soo qaadeen Milli oo ka tirsan gobolka Canfarta ayadoo ujeedadu ahayd inay ku soo dhawaadaan wadada Jabuuti ka timaad ee aada Diridhaba ayaa lagu qoraal ka soo baxay wasaarada difaaca.

Waxa dhinaca kale ay meydkooda guran kari waayeen gobolka Showa ee Axmaarada gaar ahaan magaalada Kemisse oo hadda ay waayeen meel ay u cararaan.



Diyaaradaha ciidanka cirka Itoobiya ayaa iyaguna wadda duqeynta inkastoo ay adagtahay cida ay dili karaan maadaama Tigreegu ku dagaalamayo qoryo fudfud buurahana ku jiraan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS