X

Mar hadii sumcadii ka dhimatey ururka kubada cagta aduunka maxay ???

Waxa sumcadii ka dhimatey urur sheegan jirey inay iyagu maamulaan kubadda cagta adiuunka laakiin hadda dabada u ruxa siyaasada Maraykanka isla markaana ururkii ka dhigey meel Maraykan ku fushado siyaasadiisa.


”Runtii sanadkan lama oran karo waxa dhacaysa koob aduun oo loo wada dhan yahay waxase dhacaya mid siyaasadeysan oo Maraykanku ku tuntey sumcadii uu lahaa ururkaas ayuu yiri Xuseen Warsame. Lama oran karo kooxdii guulaysta waa guul xalaala.

Waxa aduunka kale ku qasban yihiin inay samaystaan urur iyaga matali kara maadaama kii ay kuwada biiran hadda noqdey mid dabada u ruxa Maraykanka.


Waxa ururkaas la oran jirey FIFA uu dhamaanba ka xayiray dalka Ruushka ciyaarihii kubada cagta ee is-reebreebka koobkaas kaaga darana dhibcihii siiyay dalka Bolan ayagoo marmarsiiyo uga dhigaya hawl-galka Yukrayn laakiin aan sheegin waxa isku xidhey kubada iyo siyaasada.



”Maynaan arag markii Marayanku weerarka ku qaaday Ciraaq, Suuriya iyo LIibiya in isaga iyo intii la socoteyba laga xayiro koobka aduunka waaba loo sacab tumaayay ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.