X

Maraykanka iyo Austareeliya oo fashiliyay qaraar ay carabtu xornimo ugu doonaysay Falastiin yaase taageeray Falastiinta

New York 31Dec 2014–Qaraar xoogan oo ay wateen carabta oo dhan oo ay fashiliyeen Maraykanka iyo Austareeliya kadib markii ay diideen. Qaraarkan ayaa Yuhuuda ugu baaqayay inay ka baxdo dhamaan dhulkii ay xoog ku qabsatay sanadkii 1967 kadibna la bilaabo wadahadal rasmi ah oo lagu xadaynayo.

Hadaba qaraarkan waxa taageeray wadamada Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Jaad, Jili,Urdun iyo wadanka Lagsabeerg.

Waxa diiday Maraykanka iyo Austareeliya halka wadamada uu ku jiro Ingiriiska, Litweeniya, Nayjeeriya, Kuuriya iyo Rwanda ay ka aamuseen oo macnaheedu yahay in ayna taageersanayn.

Urdun oo wadatay qaraarkan ayaa sheegtay in yna ka dhigneyn in ay joogsatay wadahadalkii iyo xuquuqda dadka reer Falastiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.