X

Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku guuldaraystay in FIFA geliyaan siyaasad iyo Blatter oo dib loo doortey

Zurich–Maraykanka iyo Ingiriiska oo rabey in ay dib u dhacdo doorashada lagu dooranayo madaxweynaha ururka kubada aduunka ee FIFA ayaa ku guuldaraystay iyadoo sirdoonka Maraykanku xataa ku soo beegay qabqabasho rag ka tirsan ururka kubada aduunka. Maraykanka iyo Ingiriiska oo dagaal kula jira Ruushka ayaa dagaalkii Ukarayn oo looga guulaystay u soo rarey dhinaca Kubada.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa raba in Ruushka uuna martigelin sanadka 2018 waxayna cadaadis saareen Sepp Blatter si uu go’aankii lagu siiyay Ruushka iyo Qadar dib looga noqdo,, waxase diidey Sepp Blatter oo sheegay in siyaasad iyo kubad is lahayn.

Madaxweynaha dib loo doortey ee Sep Blatter ayaa sheegay ku celiyay in Ruushka ay ka dhici doonto ciyaaraha kubada aduunka sanadka 2018 oo ayna jirin dib u qaban qaabin arintaas.

Ingiriiska ayaa sheegaya in ay qaadici doonaan kulankaas inkastoo wali ayna sheegin in warkaasi sax yahay iyagoo rajaynaya in kubada sanadka 2018 lagu qabto dalkooda.

Ruushka ayaa dhinaca u hambalyeeyay dib u doorashada Sepp Blatter kuna tilmaamay nin yaqaana sida lo maamulo kubada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.