X

Maraykanka oo beeniyay inuu qaxooti reer Afqaana keenayo Hargeysa

Afhayeen u hadlay Muuse Biixi ayaa laga soo xigtey inay diyaar u yihiin inay qaabilaan dadka ka ordaaya dhiigmiiratada Taalibaan oo si ku meel gaara loo geeyay dalal ka mida Afrika sida Yugaandha iyo Ruwaanda.


”Waxba kama qabno in Maraykanku nala eego inay dadka ka ordaya dhiigmiiratada Taalibaan meel ay dejiyaan uga raadiyaan maamulka haddase ma jirto arin aan meel isla dhigney dalka madaxda wada hawlgalka daadgureynta ayuu yiri afhayeenku.

Talaabada Maraykanka hadday run tahay ayaa loo arki karaa mid uu ku xadgudbayo madax banaanida dalka haddii aanu ogolaaansho ka helin dawlada dhexe ee dalka.


”Dal burbursan ayay rabaan inay kolba maamul jufeed la macaamilaan ayuu yiri Cali Calasow waa farogelin qaawan. Madaxda maamusha hawlgalka daadgureynta ayaa iyagu beeniyay inuu jiro wax is dhaafsi noocaasa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.