X

Midowga Afrika oo madaxweyne aan dhexdhexaad ahayn u magacaabay geeska Afrika

Midowga Afrka ayaa madaxweynihii hore ee Nayjeeriya oo maradu ka dhacday u magacaabay xiisadaha ka taagan geeska Afrka siiba Itoobiya. Abasaanjo oo hore maradu uga dhacday ayaa ka mida kuwa ingiriisku u adeegsadio inuu sare u qaado gooni goosadka fashilmay ee Muuse Biixi.


”Dhawaan ayaa Ingiriisku u soo direy Hargeysa si uu sumcad uga dhex raadiyo ama u baro dawladaha Afrika maamulka Somalilaan ayuu yiri. Xuseen Warsame.

Abasaanjo ayaan dhexdhexaad ka ahayn xiisada Itoobiya wuxuuna toos ula jiraa Tigreega marka maaha shaqsi wax ku kordhin kara xiisadaha geeska Afrika ee saamaynta weyn ay ku leeyihiin reer galbeedka.


Shiinaha ayaa ka digey inaan reer galbeedku adeegsan gargaarka ay sheegtaan inay ku farogeliyaan arimaha gudaha ee Itoobiya. ”Sida midowga Afrika u yahay ul madhan ayaa kan ay magaceebeena u yahay ul madhan ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Dawlada Somaliya ayaan la fileyn inay wadashqayn buuran la yeelan doonin ninkan lagu shaqaysanayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.