X

Maraykanka oo ciidankii ugu badnaa ka soo dejiyay Kiiniya iyo saldhig Wajeer

Ciidankii ugu badnaa ayaa Maraykanku ka soo dejiyay Kiiniya isagoo balan qaaday inuu hubaynayo Kiiniya una diyaarin doono waxa ay ugu yeereen xaalada ay Kiiniya geli doonto. Somaliya cunaqatayn ayaa saaran waxana ay ku guulaysteen waxayna markasta oo dalku wejiga la kaco dib ugu celiyaan qabiil ayago adeegsada fadhiidyo hore  si ciidanka loo kala jabiyo ayuu yiri Cali Calasow.


”Maraykanku wuxuu rabaa inay Kiiniya u noqoto halka uu kala dagaalamo Somaliya dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba, waana mustaqbalka halka uu is leeyahay kaga soo duulo dalka ayuu raaciyay Cali Calasow.

”Waxa klae oo ujeedadiisu tahay sidii xukunka looga tuuri lahaa dawlada Itoobiya ee uu hogaamiyo Cabi Axmed loona dhisi lahaa dawlad gaalo oo khaasa, ayagoon ku faraxsanayn jabkii la gaarsiiyay Tigreega ayuu qabaa Xuseen Warsame.


”Waxaad is weydiin kartaa maxaa keenay in Maraykanku xillligan uu xoojiyo Kiiniya oo Somaliya ku qabsatey badeeda, waxa noo muuqata xeelad dheer oo mudddada burburka soo socotey ayuu qabaa Cali Maxamed oo Wajeer jooga.

Maraykanka ayaa saldhig ka samaystey Wajeer oo ah gobol Somali si uu ugu dhawaado Somaliya iyo Itoobiya labadaba ayuu yiri Cali Calasow.


”Waxay ka baqayaan soo noqoshada madaxweynaha Somaliya ee hadda jira oo la yimi siyaasad aan hore loo arag qaasatan sanadihii u dambeeyay ee maamulkiisa, waxana dhici karta haddii uu soo noqdo in dalka laga saaro ciidanka Kiiniya iyo kuwa Afrikaanka maadaama ciidanka xooga dalka ee hadda jira isku filan yihiin keliya loo baahan yahay in la hubeeyo.

”Waxa taas noo muujinaya dagaaladii ugu dambeeyay ee ay ku jabiyeen weerar gaadmo ah oo argagixisadu ku soo qaaday.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.