X

Somalida Kiiniya oo 24 saac u qabtey in jawaab ku helaan afduubka gabdhaha Somalida

Bulshada Somalida ee ku nool gaar ahaan xeebaha oo la hadlay saxaafada ayaa Kiiniya u qabtey 24 saac gudahood inay jawaab ka keenaan afduubka qorsheysan ee lagula kacay gabdhaha Somaliyeed. Waxa xalay la soo bandhigey gabadh Somaliyeed oo si xun loo garaacay lama sheegin in la kufsaday.


”Waxa noo muuqdo ficilo is-dabajooga oo qorsheysan ayuu yiri Xasan waxaan ilaa hadda duugney laba gabdhood, waxayna tani nagu qasabtey inaan caruurtayada u diri dugsiyada.

”Waan ogolaanaynaa in nidaamka cadaalada la maro kadib markii Kiniya sheegtay inay qabatey qof lala xiriirinayo dilka Nahjma Cabdulle ayuu raaciyay Ibraahim Dube.


Waa arin qorsheysan oo bartilmaameed looga dhiganayo gabdhaha Somaliyeed ee ku nool Kiiniya, tana waxay u tahay Somalida mid ayna ka seexan doonin.

Afduubka gabdhaha Somalida Kiiniya ayaa imaanaya ayadoo dhawaan la soo celiyay xiriirka Somaliya iyo Kiiniya. Waxayse weeraradan lagu hayo Somalida degan dhulkooda mid ujeedadu cadahay iyo halka laga soo abaabulayo waayo maxaa keenay keliya gabdhaha Somalida.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.