Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Maraykanka oo hubkiisa kala baxaya Sucuudiga iyo walwal soo wajahay Sucuudga

Sida uu qorey wargeys ka soo baxa dalkaasi Maraykanka oo soo xigtey masuuliyiin ka tirsan dawlada dalkaasi ayaa sheegay in Maraykanku kala baxayo Sucuudiga hubkiisa lidka diyaarada iyo ciidamada ka jooga halkaasi. Maraykanka ayaa ciidankiisa geeyay halkaasi muddo laga joogo 50 sanno.



Waxa intaas ka horeeyay heshiis ku salaysan saliida dalkaasi oo soo bilowdey  75 sano kahor. Saliida Sucuudiga ayaa waxa inta badan soo saaray shirkado Maraykana oo markii dambe ay iibsadeen Sucuudigu.

Maxaa Keenay isbedelka xilli labaduba dagaal kula jiraan Iiraan



Waxa Maraykanku ku fashilmey baqdin awgeed inuu fooda geliyo Iiraan inkastoo wahaabiyada Sucuudigu rabaan inuu u dagaalamo, waxase xagjir Taram ka cadhaysiiyay dagaal saliideed oo Sucuudigu ku qaaday Ruushka laakiin hilfaga u qaaday saliida madow ee bugta ah ee Maraykanka.

Taram ayaa codsaday in Sucuudigu dhimo wax soo saarka saliida waxase Maxamed Salmaan ku adkeystey inuu weerar ku yahay Ruushka. Wasiirada Taram ayaa ku hanjabay inay cashuur ku soo rogi doonaan saliida Sucuudiga ama diidi doonaan inay timaad dekedaha dalkaas.



Si kastaba ha ahaatee burburka saliida madow ee Maraykanka ayaa ku qasabtey xagjir Taram inuu la soo baxo ciidankiisa iyo hubka lidka diyaaradaha ee loogu talogalay in Iiraan looga difaaco.

Taram ayaa sidoo kale u sheegay Sucuudiga inuu qaadi doono talaabooyin kale oo hilfaha u qaada boqoryooyada xaaraanta ah ee Sucuudiga ee kursiga ay Ku hayaan Maraykanka iyo Yuhuuda. Ciidanka Maraykanka ee jooga Sucuudiga ayaa qayb weyn ka ah dagaalka wahaabiyadu ka wado Yaman.



Waxase la dhowraa in Maraykanku ka dhabeeyo la bixida hubkaas iyo talaabooyinka xiga ee uu qaado. Sucuudiga waxa u furan inuu u baryo tago Ruushka oo uu caayi jirey sanado badan kulana jirey dagaal si uu isku badbaadiyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...