X

Maraykanka oo Beelaruus ka baryaya inay qamadiga Yukrayn isa soo dhaafiyaan

Maraykanka ayaa wadanka Beelaruus ee uu saaray cunaqabataynta ka baryaaya inuu wado u furo qamadiga Yukrayn si loo faaruqiyo bakhaarada uu ku jiro. Ruushka ayaa sheegay in la gaajaysiinayo dadka Yukrayn.


Dhinaca kale Yukrayn ayaa ku faanaysa in Maraykanku siin doon gantaalaha lagula dagaalamo maraakiibta si loo burburiyo maraakiibta Ruushla ee joogta badda labada wadan.


Maraakiibtan Ruushka ayaa iyaguna xeebta u jooga inay ka ilaaliyaan hub sharci daro ah oo reer galbeedku soo geliyaan Yukrayn. Marka waxay ku qasabtey Maraykanka inuu baryo Beelaruus oo ay xad wadaagaan Yukrayn inay wado u furto.



Maraykanka ayaa beeniyay inuu Yukrayn siinayo gantaalaha lagula dagaalamo maraakiibta. Wuxuu u balanqaaday 40 bilyan oo doolar oo intooda badan ku baxaysa hub, marka waxa kuu muuqata inaanu nabad u diyaar ahayn.



Kooxda qaramada midoobay ayaa qiratey in cunaqabataynta reer galbeedku isku soo rogeen ay iyaga si xun u saamaysay oo ka qaadeen sixir barar cirka goostey halka Ruushku ka qaaday koror dhaqaale. Waxase laga baqayaain wadamo cunto yaraan ku dhacdo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.