X

Ruushka oo soo saaray dad laga mamnuucay dalkiisa oo uu ku jiro

Wasaarada arimaha dibedda ee Ruushka ayaa soo saartey liisto aad u dheer ay ku jiraan madax lag mamnuucay dalkeeda oo uu hormood u yahay cajuuska Maraykanka u taliya ee Joo Baydan, wasiirkiisa arimaha dibedda iyo ku xigeenkiisa.


Liistada oo dheer ayaa waxa ku jira siyaasiyiin, filim jilayaal, iyo dad si khaasa uag hadla in Ruushka cadaadin la saaro halka qaarkoodna ay dagaal ku iclaamiyeen inkastoo haddana baqayaan.



Talaabada Ruushka oo soo daahday ayaa waxay ka dhigan tahay in xiriirka labada dal uu dhulka si xun u galay, ayadoo la ogaa in Ruushku isku dayaayay inuu wanaajiyo xiriirka laakiin taa bedelkeeda uu helay in hubkii lagu weerari lahaa la siiyo Yukrayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.