Maraykanka ayaa ka naxay hubka lidka diyaaradaha ee Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka. Wasiirka difaaca Maraykanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay hubka Ruushku ka iibinayo Turkiga mase sheegin wuxuu uga walaacsan yahay.
Erdogan oo ka jawaabay walaacaas ayaa is waydiiyay ”waxa Maraykanku ka walaacsan yahay sowkuwa Giriigu soo dhigey hubkan xadka aan la wadaagno ee Koofiurta kana soo iibsadey Ruushka gantaalaha lidka diyaaradaha ee S-300”.
Turkiga ayaa Ruushka ka iibsanaya gantaalaha casriga ah ee S-400 ee wax ka toogta masaafo 17 Mayl ah halmarna la dagaalamaya 300 bartilmaameed ama diyaarado. Erdogan ayaa sheegay in xaalxaalkii ugu dambeeyay la marayo iibkuna dhamaadey intiisa badneyd.
Madaxweyne Putin ayaa laba bilood kahor sheegay in aanu waxba ka qabin in uu gantaalaha S-400 ee lidka diyaaradaha ka iibiyo Turkiga.
Erdogaan ayaa sheegay in wadan weliba gacanta ku qaato amniga dadkiisa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay