Alla naxariistii Janno haka abaal mariyee waxaa geeriyooday halyeey qaran,mas’uul ka ahaa tayeeynta iyo qalabaynta Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Marxuum General Cali Samatar.
S/Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu ku dhashay magaalada Yoontooy oo u dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose, sanadku markuu ahaa 1931dii Allaha naxariistee waxa uu ahaa Madi ay la dhasheen gabdho wuxuuna katagay Ubad ay kamid tahay Wasiirad… Sahra Cali Samatar.
Marxuum Genaral Samatar ayaa ahaa mas’uul xilal badan kasoo qabtay dawladdii kacaanka uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Md Siyaad Barre, xilalka uu qabtay waxa ay kala ahayeen Madaxweyne kuxigeen,Reysulwasaare’Wasiirka Gaashaan dhiga iyo kuwa kaloo badan.
Qormadaan oo ay awooddaydu tahay in aan ku qeexo taariikhda qiimaha leh uu usoo halgamay ayaan ugu magac daray (Mas’uulkii Maxbuuska ahaa ee mowtka lagu amaanay) taasoo aan ula jeedo in uusan helin Marxuum Samatar garabkii uu mudnaa iyo abaalkii shalay uu u soo galay Umadda Soomaliyeed .
Sida aan la soconay muddo sanado ah ayuu Marxuum Samatar ay ku furnayd dacwado ay gudbiyeen dad Soomaliyeed taasoo la xiriirtay dagaalkii 1988kii u dhaxeeyay ciidmada dowladda iyo Jabhaddii xabashida iyo reer galbeedku wateen ee SNM ,wuxuuna ahaa mas’uulka kaliya ee dacwad lagu furo iyadoo xittaa aan ladacweyn ruux kale,taasoo iyadana ahayd wax aan ka gaabsanay inta uu noolaa oo aanan la wadaagin mahadcelintii uu naga mudnaa.
Qormadan maanta ayaa igu kalliftay marka aan arkay sida aan baraha bulshada ugu wada amaanay Marxuum Samatar taasoo nalooga baahnaa in aan laqaybsano inta uusan moowku haleelin Alla ha’unaxariistee .
Geerida Marxuumka ayaa ah mid ka tarjumaysa in uu baxay halyeey usoo shaqeeyay qaranka Soomaliyeed nagana mudan in aan u ducayno allana uga barino in uu Jannadii firdowsa uu ka abaal mariyo .
Innaa lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun !
(Mas’uulkii maxbuuska ahaa ee mowtka lagu amaanay)
Waxaa diyaariyey:- Hassan Abdikadir Mudey.
Wararkii hore
Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa
Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda
Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI