Washington–Dawlada Maraykanka ayaa Somaliya u magacoday safiir buuxa markii ugu horeysay kadib burburkii dawladii dhexe iyo dalkaba. Safiirkan oo ah haweenay laguna magacaabo Katherine Dhanani ayaa dhinaca diplomaasiyada khibrad u leh horena safiir uga soo noqotay wadamo badan.
Afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay ka turjumeyso xiriirka qotoda dheer ee uu Mareykanka la yeelanayo Soomaaliya iyo horumarka Soomaaliya ay u talaabsatay in ay kaga gudubto colaad dabo dheeraatay oo ragaadisay horumarkii dalka.
Jen Psaki ayaa tilmaamtay inay dib u furanayaan safaaraddii ay ku lahaayeen Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka labada dal ka dhexeysa, taasi oo ay ku sheegtay in tahay mid taariikhi ah, balse ay si kumeel gaar ah ugu shaqeyn doonto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, inta laga diyaarinayo xarunta Safaaradooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay