Washington-Araabinews–Maraykanka ayaa sheegay inuu ka fikirayo inuu hubeeyo dawlada Yukarayn oo gooni goosadka Ruushku guulo waaweyn ka gaadheen in ay deegaankooda ka xoreeyaan gacanta Yukarayn oo dalka intiisa kale la rabta in ay ku daraan reer Yurub.
Gooni goosadka ayaa ku dhow in ay magaalooyinkooda ku xidhaan gobolka Karaymiya ee Ruushka ku biiray sanadki tagey iyagoo ku dhow in ay gacanta ku dhigaan magaalada xeebta ah Maruipol.
Maraykanka ayaa haduu talaabadan qaado keenaysa in Ruushku difaaco dadkiisa ku nool Bariga Yukarayn halkaasna siiyo hubka waaweyn taasina ay keento in uu dagaalku noqdo mid u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka.
Maraykanka ayaa sheegaya in uu siinayo dawlada Yukarayn hubka lagu dagaalamo taangiyada iyo diyaaradaha kuwaas oo Maraykanku siiyay Yuhuuda dagaalkii ay kula jirtey carabta lixdamaadkii iyo todobaatanaadkii.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![images[4]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/02/images4.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay