Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Maraykanka oo si cad u sheegay inuu arinta badda la safan yahay Kiiniya

Safiirka Maraykanka u fadhiya Kiiniya ayaa sheegay inuu bilaabay dhexdhexaadin uu ka wado labada madaxdweyne ee Somaliya iyo Kiiniya ee arinta badda. Safiirkan oo si cad u taageersan mowqifka Kiiniya ayaa sheegay inuu yimi Muqdisho.



Waxaad is weydiin kartaa Maraykanku safaarad iyo safiir ayuu ku leeyahay Somaliya maxaa midka Kiiniya sababay inuu yimaado Muqdisho. Waxay muujinaysaa aaminsanaantii hore ee Somalidu aaminsanayd in Somaliya Kiiniya keliya la doodsanayn ee ay dooda kula jirto kuwa ka dambeeyo.



Ha noqoto diin ahaan iyo dano gaara oo ay ka leeyihiinba. Somaliya maka tagi doontaa dhul ay iyadu ledahay, waxa kale oo meesha ku jirta Maraykanku ma farogelin kiiskii Kiiniya looga helay badda Tansaaniya ee maxaa kelifay tan Somaliya.

Garyaqaanada ayaa isku raacay in Somaliya dacwadeedu cadahay oo Kiiniya marhore lumisay dooda markey la xiriirtey garyaqaanada uu Maraykanku ugu horeeyo.



Lix bilood kahor ayay ahayd markii xubno taageersan xagjir Taram ay si cad u sheegeen in Somaliya xoog ku qaadeyn badda oo ay tahay in Kiiniya ku qasbanayn inay u hogaansanto xukunka badda.

Safiirkan ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu ka hadho dacwada oo Kiiniya la hadlo, waxana cad in madaxweyne Farmaajo ku gacan sayrey una sheegay safiirka inuu ka baxo arintan.



Somaliya waxay deg-deg ugu baahan tahay awood kale oo ka dambeysa ayadoo la ogyahay in dalka ay saaran tahay cunaqabatayn hub laakiin ay awoodo siyaabo kale oo ay ku difaacan karto dhulkeeda.



Safiirkan ayaa marmarsiiyo ka dhigtey in labada wadanba ku jiraan la dagaalanka argagixisada kaas oo hadda noqdey mid lagu xalaashado arimo badan. Waxa kale oo la sheegayaaa in Maraykanku musuqi karo maxkamada waayo waxa cad in kiiskan Somaliya ku guulatysanayso.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...