X

Maraykanka oo u hanjabay Turkiga haddii uu kiciyo gantaalaha S-400

Ayadoo xalay ay soo baxeen warar sheegaya in Turkigu tijaabiyay gantaalaha S-400 ee uu ka soo iibsaday Ruushka sanadkii hore, ayaa Maraykanku ka soo saaray hanjabaad. ”Waxaa jirta cawaaqib xumo uu la kulmi doono Turkigu haddii uu rakibo oo kiciyo gantaalaha S-400 ayuu yiri nin u hadlay wasaarada difaaca.


Turkiga ayaa hore u sheegay inaanu gantaalaha u soo iibsan inuu daawado ee uu isticmaali doono haddii dalkiisa la soo weeraro. Turkiga iyo dhowr wadan oo kale ayaa ka mida dalalka haysta gantaalahan inkastoo hadda ay soo baxeen diyaaradaha aan is wadin.

”Waxay cawaaqib xumo kaga tagaysaa haddi Turkigu kiciyo gantaalahaas xiriirka amni iyo kan iskaashi ee u dhexeeya xulafada NAATO ee Tukigu ka mid yahay iyo kan Maraykanka ayuu yiri sarkaal u hadlay Maraykanka.


Maraykanka ayaa hore u joojiyay wada shaqaynta Turkigu ku lahaa diyaaradiisa casiga ah ee uu ku faano ee loo bixiyay F-35 inkastoo Turkigu welli sii wado qaybaha diyaaradaas.

Si kataba ha ahaatee waxaan la garan karin talaabada xigta ee Taram qaadi doono haddii uu run noqdo warka sheegay in Turkigu kiciyay ama tijaabiyay gantaaladaas.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.