X

Maxkamad ku taal Hargeysa oo xukuntey todoba dhalinyaro ah

Maxkamad ku taal magaalada Hargeysa ayaa xukun ku ridey 7 dhalinyaro oo kufsaday sida la sheegay gabadh ku jirtey xarun lagu daryeelo. Masuulyiinta goobtan lagu xanaaneeyo caruurta ayaa sheegay in kufsigu ka dhacay xerada dibedeeda.


Inkastoo horjooge Muuse Biixi ka dagaalamay in kufsigu ka dhacay xerada, waxa arinta la dedejiyay markii bulshadu ka qaylidey, kadibna waxa dhalintan la mariyay sharciga gaalada uu yaala maamulka horjooge Muuse Biixi.

Laba ka mida dhalinyaradan ayaa lagu xukumey 3 sano oo xadhiga halka 5-ta kalana lagu xukumey xukun lagu qoslo oo ah 6 bilood oo dibed jooga.



Ehelada gabadhan ayaan haba yaraatee la siin wax magdhow ah waana halka aad looga cadhooday halka qaar la yidhi iska jooga suuqa, taas oo wejigabax ku noqotey dhamaan shacabka magaalada Hargeysa iyo dadka kale ee daawanaya tacadigan. .

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.