X

Maraykanka oo war ka soo saaray argagixis weyn oo lagu diley Shabeelaha Hoose

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Maraykanka ayaa war ka soo saaray argagixis weyn oo lagu diley Shabeelaha Hoose. Argagixiskan oo xasuuq xun iyo burbur hantiyeed ka gaystey bariga Muqdisho xilligii ay joogeen argagixisadu ayaa lagu magacaabaa Cali Jabal.



Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war kasoo saaray weerarkii lagu dilay Waaligii Alshabaab ee G/Banaadir Cali Maxamuud Xuseen (Cali Jabal).



Qoraal saxaafadeed ka soo abxay AFRICOM ayaa lagu in waaxda difaaca Mareykanka ay 30-kii July saqdii dhexe kadib 3:00 habeennimo ay qaaday weerar guuleysatay ku qaaday goob u dhow degaanka Tooratoorow, kaasoo lagu dilay Cali Jabal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.