X

Maraykanku khasaare weyn ayuu ku jiraa hubkii aan dirnaba Ruushkaa qarxinaya: TARAM

Taram oo inta badan taageeradiisa ka hela xagjirka Maraykanka oo u badan kuwa nafsiyan buka sida Muslim nacaybka ayaa qarxiyay in Maraykanku khasaare weyn uu ka qaaday dagaalka uu kula jiro Ruushka. “Bal fiiri hubkii aan dirnaba inta ayna ridin Yukrayn ayaa Ruushku qarxiyaa marka cidla ayaa lacagteenu ku khasaartey ayuu yiri xagjir Taram.


Lacagta aan Yukrayn u dirayno dalkeea u baahan oo sixir bararku xadhkaha goostey ayuu ku calaacalay Taram kadib markii cunaqabatayna ay saareen Ruushka ay holoc iyo dhaqaale xumo ka qaadeen.


”Hadda cid xushmad noo haysaa ma jirto adduunka waayo waxaan nahay tuugsadaha adduunka meelkasta koob ayaa noo yaala aan leenahay shidaal na siiya oo ay ugu dambeeyeen Sacuudiag iyo Finasuweyla ayuu ku sii calaacalay Taram.

Tan ugu sii daran ayaa si kasta oo aan Yukrayn u hubayno marnaba guusha aan rabno ma gaarayno waayo Ruushku 35 jeer ayuu ka awood badan yahay cida aan hubka ku wadno.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.