X

Masar oo aan qarin waxay ka rabto Xasan Culusow

Fadhiid Xasan Culusow ayaa safarkii 7-aad ku tagey dalkaasi aadka inooga fog ee Masar ee weliba aan inagu soo kordhin karin dhaqaale waayo isagiiba mahayo wax dhaafsan. Masar ayaan iyadu qarsan waxay ka rabto fadhiid Xasan Culusow oo markale kursiga loo dhiibey.


”Somaliya waxay ku taalaa meel muhiima oo Masar u muhiima haddana waxa soo baxay xoogag aan la dhayalsan karin sida Turkiga iyo Iiraan iyo kuwa kale ayuu yiri khabiir ka tirsan wasaarada arimaha dibedda ee Masar.

Mashaakilada haysta Masar ayaa u baahan inay joogteyn ku lahaato geeska Afrika, way jirtaa inaan xiriir la samaysanay maamulka Somalilaan laakiin waxa muhiima waa dawlada dhexe ayuu raaciyay khabiirku.


Masar way ka gaabsatey inay si aada u soo dhaweyso doorashada Xasan Culusow laakiin waxay tilmaantey inuu yahay qof u jajaban oo ka fushab karaan dantooda oo Masar yagey dhowr  intii aabu ahayn madaxweynaha, ayuu yiri.


Wuxuu ka gaabsaday inuu cadeeyo danaha ay ka fushan doonaan Xasan Culusow inuu sii faahfaahiyo, waxase meesha aan ka maqnayn sidii saldhiga Turkiga loo xiri lahaam xiriika u dhexeeya iyaga Itoobiyada cusubna la xumayn lahaa.

”Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu galay teendhada Turkiga, Itoobiya iyo Eritariya taasina anaga noo fiicnayn ayuu yiri khabiir Abdulkariim haddase waxa yimi Xasan Culusow oo faraha ka qaadi doona xertaa Turkiga, Itoobiya iyo Eritariya ayuu raaciyay Cabdulkariim.


Xasan Culusow wuxuu u arkaa Itoobiyada cusub ee Cabi Axmed inay yihiin kuwa soo duulay oo ah in lala dagaalamo tana waxay faaiido u tahay Masar ayuu leeyahay khabiirkani. Ilaa hadda rajada Masar ee ah inuu Xasan Culusow u fuliyo dantooda ma cadda wadada ay u marayaan.

Waxase muuqata in Masar danteedu ku jirto in Xasan Culusow xiriirka u jaro Itoobiya iyo Eritariya ugu yaraan. Sida Imaaraadkana uu tababarto ciidan Masar ka amar qaata lacagtana ay bixiyaan Imaaraadka iyo Sacuudiga.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.