Sunday, March 29th, 2020
header

Maraykanku maka dambeeyaa cudurka hargabka Shiinaha

Waxa isa soo taraya shakiga weyn ee soo xoogeysanaya ee oranaya in cudurka hargabka Shiinaha ee ka dilaacay gobol qani ku ah Shiinaha warshadaha caalamka u dira alaabada la gato kuwooda qaaliga ah uu Maraykanku qayb ka yahay.



Wasiirka ganacsiga ee dalkaasi Maraykanka ayaa hore u sheegay inuu ku faraxsan yahay in cudur ku dhaco Shiinaha waayo ayuu yiri waxa faaiido ugu jirtaa dalkiisa oo buuxin doona kaalintii Shiinuhu ka baxay waa sida hadalka uu u dhigee.



Wuxuu kaloo intaas uu raaciyay in warshadihii ka guurey Maraykanka ay dib ugu soo noqon doonaan dalkiisa, wuxuuse ilaaway in dhaqaalaha Maraykanka uu Shiinuhu qayb weyn ku leeyahay.

Shiinaha ayaa qarka u saaran inuu Maraykanka ka qaado kaalinta koowaad ee dalka aduunka ugu dhaqaale weyn isla markaana ugu horeeya wax soo saarka sancada cusub.



Is-gaarsiinta 5G

Shiinaha ayaa garaacay Maraykanka dhinaca isgaarsiinta casriga kadib markii shirkadiisa Huwaawe ee isgaarsiinta ay noqotey shirkadda keliya ee ku guulaysatey qaybinta khadka cusub ee 5G ee xawaarihiisa internetka uu  aadka u dheereeyo.



Wuxuu isku dayay inuu hawada ka saaro shirkadaasi qaybteeda telefoonada gacanta oo ah lambarka koowaad ee aduunka ee aad loo iibsado. Inkastoo uu hakiyay waxoogaa haddana qasaaraha ugu weyn waxa qaba Maraykanka waayo macaamiisha ugu badan waa aduunyada kale.

Xawliga sancada cusub

Shiinaha ayaa waxa ku yaala nus warshadaha aduunka wax soo saara oo badankoodu ka yimi Yurub iyo Maraykanka, waxana waxay soo saaraan lagu iibiyaa jabnaan suuqyada Maraykanka iyo Yurub.



Waxana halkaas ka soo gasha ganacsatada wadamadaasi malaayiin doolar bilkasta.

Cudurka hargabka

Ayadoo xaalku ku xunyahay Maraykanka oo hadda noqdey wadanka ugu horeeya ee faafiya kobcinta khaniisiinta ayaa waxa la filaayay inuu si kale uu u bakhtiiyo kobacaas xawliga ku socda ee Shiinaha.



Khuburada ku takhasusay siyaasada fog ayaa qaba in cudurka hargabka Shiinaha uu qayb ka yahay burburinta dhaqaalaha Shiinaha. Waxayna qabaan in cudurkan la soo sameeyay si qarsoodiyana loogu faafiyay gobolkaas warshadaha leh.

Waxay tusaale u soo qaateen halka aduunyada kale kala ordayaan naxdina kaqanan in cudurku soo gaaro dalalkooda, in Maraykanku warba u hayn waxaas, waxayna taas ku tilmaameen in xilli hore la tijaabiyay daawada cudurka ayna heleen daawadiisa.



Waxaan maqalnaa waxa socota tijaabada daawada cudurka waxyar kadibna waxa la helay is daawadiiba.

Taas waxay keenaysaa in Shiinuhu balaayiin doolar ku iibsado daawadaas si ay u xakameeyaan cudurka. Waana lacagta ay rabaan inay ku dhuftaan shirkadaha waaeey ee daawooyinka.



Nasiib wanaagse waxa Shiinuhu sheegay in kumanaan ay cudurka ka daaweeyeen ayagoo isticmaalaya daawooyin la isku daray.

Hubka kiimikada



Maaha markii ugu horeysay oo lagu dagaalamo hubka kiimikada siiba qaybta cudurada, waana tijaabo markasta socota oo ay isla yaqaanaan dalalkaasi waaweyn, waxaanse sugnaa inay soo baxdo mar uun ayuu yiri khabiir ku takhasusey hubka kiimikada.

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Muhiim ma tahay in Somaliya u dabaaldegto xornimo xilli gumeysi cusub ku jirto

March, 29, 2020
Magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ka mida Koofurta ...

Arday ka soo noqotey Itoobiya oo lagu sii daayay magaalada

March, 28, 2020
Waxa magaalada Wajaale yimi arday hore waxa uga ...

Turkiga oo bilaabay inuu dib u soo daadgureeyo tahriibeyaal jooga xadka

March, 28, 2020
Dawlada Turkiga ayaa bilowday inay dib u soo ...

Tareen Yurub u sida daawo iyo qalab caafimaad oo ka baxay xuduntii cudurka Kooro

March, 28, 2020
Kadib markii Shiinuhu ka faraxshahay kiisaska gudaha ee ...

Qofka jooga deegaankiisa ee aan ka ordin masiibada wuxuu helayaa ajarka qof shahiidey

March, 28, 2020
Markaad cinwaanka akhrido waxaan is odhan kartaa sidee ...

Dhacdooyinka

Muuse Biixi oo ka naxay war sheegaya in Itoobiya faraha ka qaaday Berbera

March, 11, 2020
Laba sano kahor ayay ahayd markii fadhiid Xasan ...

Dawlada oo ummada ka qabatey Somali cudurka keenayay dalka

March, 10, 2020
Wasaarada caafimaadka ee dawlada Somaliya ayaa Ku guulaysatey ...

Dayib Erduqaan oo cadaystey sababta Siiriya uga degi la’dahay

March, 10, 2020
Madaxweynaha Turkiga oo la hadlaayay saxaafada ayaa qirtey ...

Nin ka cararay isbitaal xilli la doonayay in la baadho

March, 10, 2020
Booliiska dalkaasi Simbabawe ayaa baadhid ku bilaabay nin ...

Ingiriiska oo joojiyay bixinta mishaharka askar Muuse Biixi adeegsado

March, 9, 2020
Dawlada Ingiriiska ee siisa maamulka Somalilaan taageerada ugu ...

Raiisal wasaare Xasan Cali oo ka hadley lacag khasnada baanka ku soo dhacdey

March, 5, 2020
Raysal wasaare Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ...

Madaxweyne Farmaajo oo Uhuru u sheegay inuu faraha kala baxo arimaha dalka

March, 5, 2020
Madaxweyne Farmaajo ayaa telfoon kula Hadley madaxweynaha Kiiniya ...