X

Maraykanku maku dhacaa inuu dagaal la galo Ruushka kadib gantaalka Bolan

Warar Maraykanku qoray ayaa sheegaya in gantaal Ruushku soo ganay uu ku dhacay Bolan. Waxase arintaas markiiba hoos u dhigtey wasiirada difaaca ee Maraykanka oo sheegtay in warkaas u baahan yahay xaqiijin dheeraada.



Bolan oo gabgableynaysa ayaa qabta in arinta si degdega looga hadlo fartana ku fiiqday Ruushka.

Laakiin su’aasha aad is weydiinayso ayaa ah Maraykanka oo hogaamiya kooxdan sheegata NAATO maku dhacaa inuu weerar ku qaado Ruushka???



Jawaabta adoon ku raagin waa MAYA waana arimahan soo socda. Waa ta koowaade ururkan maaha urur Jira qaasatan markay noqoto quwad kale oo ka xoogweyn oo gebi ahaanba ka tirtiri kara maabka adduunka sida Ruushka oo kale.



Waana ta Maraykanku markiiba u sheegay in arinta gantaalku u baahan yahay in la baadho oo aan lagu degdegi karin. Waa hadal muujinaya in xitaa hadday run tahay inaanu diyaar u ahayn inuu talaabo kale qaado. Ilaa isaga la weeraro mooyee.



Waa ta labaade Maraykanku wuxuu keliya taageero ka haystaa Ingiriiska oo aan noolaan karin Maraykanka la’aantiis Laguna sheego inuu yahay gobolka mida Maraykanka, taasina ma noqon karto awood laysku galay karo waayo waa jasiirad waxana ku filan hal gantaal oo maabka adduunka ka tirtira.

Turkiga oo ah quwada labaad ee ururkan sheegta NAATO marnaba dagaal geli maayo uu hogaamiyo Maraykanku, waxana sidoo kale hore u diiday dagaal ay la galaan Ruushka wadamo hadda qasab ku raacay Maraykanka sida Jarmalka iyo Faransiiska, iskaba dhaaf Jabaanka iyo Koofurta Kuuriya oo aan dhaqaaqi karine.



Marka Maraykanku kuma dhaco inuu dagaal la galo Ruushka xitaa isagoo ku faana inuu haysto dhaqaale uu ku dagaalamo sheegtana inuu hadda yahay quwada koowaad ee wadamada caalamka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.