X

Qisada axsaabigii loogu tagay gurigiisa isagoo oynaya

Waxa caadi ahayd in rasuulkeena scw scw uu gaabin jirey khudbadaha Jimcaha. Wuxuu si fiican u yaqaanay sida fariinta loo gudbiyo isaga oo aan lumin qalbiyada iyo dhegaha dadka dhegeysanaya.



Haddaba marka salaada subax laga baxo waxa caado u ahaan jirtey rasuulka scw scw inuu weydiiyo asxaabta inuu jiro qof u baahan in riyo loo fasiro, haddayn ajirina waxa uu weydiin jiray waxa maanta maqan hebel iyo hebel, maxaa ku dhacay.



Maalin ayaa rasuulka scw wuxuu arkay in asxaabiga Taabid ibu Qays uu maqan yahay wuxuuna weydiiyay asxaabta inay ogyihiin waxa ku dhacay, ”Ma arko Taabid maxaa ku dhacay ayuu yiri rasuulka scw scw. Waxa mashaakila miyaa jira ayuu raaciyay SCW SCW.

Kadibna Sacad ibnu Mucaad ayaa u jawaabay oo u sheegay inuu joogo magaalka oo uun aogeyn wax mishkila ah oo jirta. Sacad kadibna wuxuu raadiyay Taabid wuxuuna aaday gurigiisa oo albaabku u xirnaa.



Sacad gudaha ayuu u galay guriga wuxuuna ugu tagay asxaabigii Taabid ibnu Qays oo oynaya kadibna wuxuu weydiiyay yaa Taabid maxaa kugu dhacay oo la oynaysaa.

Taabid ayaa ugu jawaabay in RABI soo dejiyay aayad Quraana oo uu ku yiri yaa ehlu diin dhawaqiina haka saraysiinina midka rasuulka scw hadalkana kor ha ugu qaadina sida marka idinku wada hadlaysaan waxaad eber ka dhigaysaan xasanaadkiina idinkoon ogeyn.



Taabid oo hadalka sii waday ayaa yiri aniguna waxaan ahay qof aad u cod dheer, waxaanan ka baqayaa inaan buriyay xasanaadkeygii oo dhan aanan u socdo naar.

Rasuulka scw scw ayaa la kulmay Taabid kadib una sheegay inaanu ahayn dadka naarta u socda ee uu cagsigeeda yahay. Si wanaagsan ayaad u nooshahay waxaanad u dhiman si wanaagsan, waxaana guri kuu ah janada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.