X

Marna raali kama nihin derbiga Kiiniya ay ka dhisayso xad beeneedka noo dhexeeya: Xasan Sheekh+SAWIRO

Muqdisho 30-Juun-2015-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawlada Somaliya ayna raali ka ahayn derbiga ay Kiiniya damacsan tahay in ay ka dhisto xad beeneedka u dhexeeya labada dal. Madaxweynaha oo ka hor hadlay xarunta golaha shacabka oo ay joogeen inta badan xildhibaanada ayaa ka hadlay arimo badan  oo  ay kamid tahay ammaanka, siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo baahinta hanaanka Federaalka,isagoo sheegay in dowladdu ay ku guuleysatay in ay sameyso maamulo ku meel gaar ah oo uu dalku yeesho.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay dadaalo badan u gashay sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa maadaama uu dalku dagaal kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee UGUS.


“Dagaalna waan garanaynaa maalin waxbaa riixeysaa maalinta waa lagu riixeyaa laakin xaaladda amni ee guud ahaan dalka waa ay wanaagsan tahay,horumar ayaa laga gaaray qaabeynta dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada”, ayuu yiri madaxweynaha.

Madax waynaha  oo hadalkisa sii wata ayaa dhinaca kale  ka hadlay derbiga dowladda Kenya ay  sheegtay in ay ka dhisayso  xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay markasta ka go’an tahay deris wanaag isla markaana dowladu marna ogolaan doonin derbiga laga dhisayo xadka labada dalka.


“Marna raali kama noqoneyno derbiga xukuumadda Soomaaliya gudi ayay u saartay arintan si ay u baaraan ayna keenaan xaqaa’iqa ka jira”, ayuu sheegay madaxweyne Xasan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.