X

Marwada raiisal wasaare hore oo xaqiijisay xanuunka uu u geeriyooday

Marwa Maryan Cabdi Biixi oo ah marwada raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya CalI Khaliif Galaydh ayaa xaqiijisay xanuunka uu u dhintey ninkeeda oo Khamiistii hore ku geeriyooday magaalada Jigjiga.


”Waxaan hadda meel iska saarney shikigii jirey ee ahaa in Dr Cali Khaliif Galaydh la sumeeyay kadib markii baadhid saxa lagu sameeyay magaalada Muqdisho ayna cadaatey inuu u dhintey hargabka Koroona ayay tiri Marwo Maryan.

”Anaga iyo qabiilka uu ka dhashayba waxaan ku kalsoonahay baadhida lagu sameeyay waxaan sidaana ugu faataxaynay marxuunka ayay raacisay.


Waxa muuqata in Dr Cali Khaliif aanu helin daryeelka uu u baahnaa markii xanuunka ku soo booday ayuu raaciyay Cali Calasow.

Dr Cali Khaliif ayaa ahaa wadani marnaba ka suuroobin inuu dalkiisa wax u dhimo inuu isku keeno mooyee.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.