X

Xagjir Taram oo sheegay war ka farxiyay Somaliya iyo Farmaajo oo jawaab siiyay

Madaxweynaha Maraykanka xagjir Taram oo aad loga argagaxay cuqdada uu kala dhex dhigay dadka dalkiisa kuwada nool iyo fikradaha xagjirka ah ee uu qabo ayaa sheegay inuu ciidankiisa kala baxayo Somaliya.


Warkan oo ah war farxada maadaama ciidanka Maraykanka ee jooga Somaliya qayb ka yihiin qaska iyo amni darada gobolada qaar iyo weliba yasida ciidanka Somaliyeed ee dhismaya ayaa waxa u jawaabay Farmaajo.

”Waan jeclaan lahaa in ciidanka Maraykanka sii joogaan dalka ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hadalkiisan maldahan ayaa qeexaya in aan cidina waqti xaadirkan raali ka ahayn ciidamada reer galbeedka.


Waxa dalka jooga ciidamo reer galbeed oo tababar danaysi oo gooniya ka fuliya guud ahaan gobolada dalka. Tusaale ahaan waxa Ingiriisku tababar iyo maaliyadk=ba siiyaa ciidan uu u tabaray maamul jufeedka Somalilaan iyo Koofur Galbeed.

Ujeedada reer galbeedka ee dalka ayaa ah in dalku ku sii jiro xaaladan oo kale oo aan weligeed la helin ciidan hanankara dalka, ayagoo ka faaiideysanaya nidaamka ay digteen federaal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.