X

Xasan Culusow oo la saftey Masar muranka biyaha webiga Niil

Masar ayaa si cad ugu sheegtay Xasan Culusow ku raacay qadiyada Masar ka taagan tahay webiga Niil ee ay isku ahyaan Itoobiya kadib markii ay wada qabteen shir jaraaid. Xasan Culusow oo la amrayay ayaan haba yaraatee la iman fikir dawlad xora leedahay.


”Waxa cajiiba Xasan Culusow halkuu ka soo galaa xiisada u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya keliya waxay muujinaysaa inuu dalkan gadanayo kuna gadanayo shilimaad ayuu yiri Cali Calasow.


Kaaga daran waxaad is weydiin kartaa maxaa dana oo Somaliya khuseeya oo Xasan Culusow u sheegtay Masar oo iyadiiba qaylinaysa laakiin taageero ahaan ku xiran Imaaraadka iyo Sacuudiga. Waxa awalna inoo muuqatey haddana arkaynaa Masar oo ku awrkacsanaysa Itoobiya oo hadda uu maamulo nin Oromo ah.


Xasan Culusow oo ay la socdaan ama kaxaystey koox aad u tayo xun ayaan isagu haba yaraatee wax talo ku lahayn amarada la siinayo mooyee. Safarada Culusow ayaa waxa ku baxay malaayiin doolar oo dalku aanu awoodeyn.



Ilaa hadda kooxda Xalane dalka sida ay rabaan ayay u maamulayaan mana jiro gole shacab oo hadda buuq ku furi kara waayo wasiiradiiba lama dhisin, jaa ninkasta waxa uu sugaayaa in wasiir loo magacaabo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.