X

Masar oo magdhow ka raadinaysa markabkii kanaalka kala xirey

Masar ayaa sheegtay inay raadinayso magdhow ku dhow Hal bilyan oo doolarka Maraykanka kadib markii khasaare ka soo gaaray markabkaas. Masar ayaa dalbatey doonyo jiida markabka oo usbuuc xayiray safarka.


Waxay hadda sheegeen shirkada maamusha biyo xireenka Suweys in ay kala direen maraakiibta badankooda oo hadda kanaalku ku soo noqday si caadiya intiisa badneyd.

”Waxa shirkadu lumisay ku dhawaad 15 milyan maaalintii mudadaa uu xirnaa waxana noo dheer doonyaha gaaraya tobaneeyada ee aan soo kireysanay si markabka uga jiidaan dhooqada uu galay ayuu yiri xoghaya shirkada.


”Masar xaq ayay u leedahay kamana tageyso waxa ay xaqqa u leedahay ayuu raaciyay. Markabka aya laga lahaa Jabaanka, waxana furmaysa dacwada almana garan kario inta ay qaadan doonto.

Lama garan karo sida markabku ku galay dhooqada oo uga baxay biyaha Kanaalka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.