X

Masar oo Xasan Culusow u sheegtay inuu xiro xarunta Turkiga

Masar ayaa si cad ugu sheegtay Xasan Culusow inay xiraan xarunta tababarka ciidamada ee Turkigu ka dhisay Muqdisho halkaas oo ay ka sdoo baxaan ciidan tayo laakiin aan si fiican u haysan wadaniyada maadaama af-Turki wax loogu dhigo.


Masuul u hadlay wasaarada arimaha dibedda oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Xasan Culusow aanu talo jeedin laakiin sheegay inuu eegi doono sida ay suuragla ku tahay.

Masar ayaa dhinaca dalbatey inay iyadna xarun tababar ka furato Muqdisho halkaas oo ay ku tababarato ciidan iyada ka amar qaata laakiin ay biilaan Imaaraadka.


Xasan Culusow oo ay la socdaan ama kaxaystey koox aad u tayo xun ayaan isagu haba yaraatee wax talo ku lahayn amarada la siinayo mooyee. Safarada Culusow ayaa waxa ku baxay malaayiin doolar oo dalku aanu awoodeyn.



Ilaa hadda kooxda Xalane dalka sida ay rabaan ayay u maamulayaan mana jiro gole shacab oo hadda buuq ku furi kara waayo wasiiradiiba lama dhisin, jaa ninkasta waxa uu sugaayaa in wasiir loo magacaabo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.