X

Maxay yihiin sawirada ay ka gubteen reer galbeedka cabaadaya

Usbuucii hore waxa magaalada Tehraan ee dalkaasi Iiraan ku kulmay madaxweyneyaasha Turkiga, Iiraan iyo Ruushka waxayna ka wada hadleen arimo khuseeya gobolka sida arinta Suuriya.


Intaas kadib waxa sadexda madaxweyne wada galeen sawir ay aad uga gubteen reer galbeedka siiba Maraykanka iyo Jarmalka. Wasiirada arimaha dibedda ee Jarmalka ayaa sheegtay inay tahay wax laga xumaado halka madaxweyne Dayib Erduqaan ku jiro. (sawirka hoose)


Waxayna u jeeday sawirka uu kula jiro madaxweyneyaasha kale, waxayna raacisay xaqiiqda ah in madaxweyne Dayib Erduqaan ku jiro sawirka lafteeda ayaa ah hirdan adag. Waxay muujinaysaa in aan meel loo wada jeedin.


Dhinaca kale madaxda Maraykanka ayaa Carabta u sheegay inay ka fiirsadaan inay sawir la galaan wasiirka arimaha dibedda Ruuushka Sergey Laafroof. Waxana iyaga laftoodu ka caroodeen sawirka hoose.

Sawirkan waa wasiir Sergey iyo wasiirka Masar ee arimaha dibedda iyo Carab kale.


Wax meel wada geli kara maaha waxaan aaminsanahay iyo sawirada noo muuqda ayay wasiirada Jarmalku raacisay. Wasiiradana ayaa ka mida kuwa aadka u caabuda xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka.



Tana waxay qasbaysaa in Ruushku gaaska ka jaro taas oo burbur xoogan u keenaysa Jarmalka oo hadda ah wadanka ugu dhaqaale weyn Yurub laakiin ku naaxay gaas raqiisa oo uu ku wado warshadihiisa soo saara gawaadhida iyo cuntada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.