X

Maxaa culimada ka aamusiiyay awrkacsiga qabiil ee Xamar

Ilaa intii kooxdii la baxday musharixiinta haddana isku bedelay dagaal oogeyaasha Hawiye ay Muqdisho ka sameeyeen awrkacsiga iyo tola’aay Hawiyoow, waxa inta badan hadlaayay dad farakutirisa oo iyagu sheegay in wadadaas hore loogu soo jabay dadkii ku curyaamayna welli yaalaan ceelasha biyaha.

Haddaba iyagoo culimadu hore uga aamuseen weerarada argagixisada inta badan kaga hadal khudbadaha dadka loo jeediyo jimcayaasha, ayaa madaxweynaha Somaliya la kulmay culimada si uu u dardargeliyo una tuso kaalintooda kaga aadan awrkacsiga qabyaalada.

Horjoogeyaasha kooxdii musharixiinta ee hadda noqday qabqableyaasha Hawiye ayaa welli diidan inay maleeshiyada ku dhuumanaysa guryaha dabadooda ka saaraan geystaana meelo kale.

Ciidanka xalaasha ah ee qaranka ayaa iyagu diidey in ciidan beeleedkaas dib loogu soo celiyo si ayna u nijaasayn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.