Friday, March 29th, 2024
header










Meta







Maxaa dhacaya haddii Maraykanku weeraro Iiraan ma guulaysan karaa

Kadib markey fashilmeen hubkii balaayiinta doolar looga iibiyay wahaabiyada Sucuudiga ayna soo gaareen qasaare horleh ayaa Maraykanku sheegay inuu xulufo u raadsano Iiraan oo aanu keligii geli Karin dagaalka.

Xulufada uu ka hadlayo ayaa noqotey kuwa ay siiyaan shilimaadka ee Masaarida, Siniigaal, Suudaan iyo kuwa kale oo gaaja ah maadaama maraweynta Sucuudiga iyo Imaaraadka ayna dagaal geli Karin.



Xagjir Taram ayaa ilaa hadda isticmaalaya siyaasad uu hub badan uga iibiyo wahaabiyada Sucuudiga una sheego Iiraan ayaa kula dagaalsan markaa hub difaac ayaad u baahan tahay.

Hubka ilaa hadda uu keenay waa kuwo difaac iyo kuwo weerarba oo u badan maraakiibta laga gano gantaalaha jooga hoose ku duula. Hadaba maxaa dhici kara haddii xilligan uu gantaal ku dhifto Iiran gaar ahaan goobaha saliida oo ah sida Sucuudigu rabo.



Iiraan waxay soo ganaysaa waxay haysaba ayadoo beegsanaysa dhamaan goobaha saliida ee Sucuudiga, waxana sidaas faaiido ku qaba Maraykanka oo markaas sailiidiisa ku iibin doona lacag farabadan.

Ma soo geli karaan Iiraan

Jawaabtu waa maya waayo Maraykanku iyo xulufadiisa afka Ingiriiska ku hadlaa waxay u baahan doonaan dhul ay weerar ka soo qaadaan mana haystaan oo Ciraaq waxa fadhida dawlad raacsan Iiraan oo hadda ka fekeraysa inay wahaabiyada Sucuudiga dhankeeda ka weerarto.



Maxaa u furan marka

Talaabada keliya ee u furan waa inay isku haleeyaan gantaalaha iyo diyaaradaha cirka taas oo Iiraan difaac ku filan ka haysato hadda, waxa xilligan ku daayay saliid Sucuudigu dhoofiyo iyo daarihii iyo fooqyadii Imaaraadka oo dhulka lala simay.

Cabaadka Imaaraadka ayaa baxaya wuxuuna xilligan ku dhowyahay inay wada qaxaan xadidka gantaalaha ku soo dhacaya awgeed.



Yuhuudu dagaalka maku jirtaa

Haa way ku jirtaa waxana xilligan ay is weerarayaan Xisbullah oo ayna isku awood ahayn laakiin Xisbullah sii daysay waxay hub haysatay iyo Yuhuudii dhulka boobtey oo cabsi xoogleh gashay kuna dhow cidla ciirsila.



Suuriya ayaan Iyana xilligan dagaalku kululaadey wax la harin oo dhankeeda Yuhuuda ku weeraraysa hubkii Ruushka.

Markii Obaama arkey inaan Iiraan waxba looga qaadayn weerar lagu qaado wuxuu bilaabey inuu la heshiiyo laakiin waxaan sugnaa waxa xagjir Taram sameeyo markan.

Isku soo duub waxa kuu muuqanaysa inaan Iiraan looga adkaan Karin dagaal oo xataa khatar geli karto hubka nukliyeerka ee Maraykanku isku halaynayo haddii xaalku sii xumaado oo Yuhuudu isticmaasho.

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI

February, 24, 2024
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qalinka ku duugay heshiis ...

Caruurtii uu hooyadood ku hor gubay oo afka furtay: Qaracan runtii

February, 21, 2024
Maxkamad samirsiin u ah qoyska la baxsaday gacan ...

Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa

February, 20, 2024
Qisada amiir Cumar binu khadaab iyo haweenayda ooyaysa. ...

Dawlada Somaliya oo si toosa u sheegtay aqoonsiga Awdalstate

February, 13, 2024
Dawlada Somaliya oo si cad u sheegtay inay ...

Madaxweynaha Awdalstate Dr Nageeye oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

February, 8, 2024
Madaxweynaha Awdalstate Dr Cabdisamad Nageeye ayaa si diiran ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...