X

Maxaa dib u dhigey kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Kadib dagaalkii Kiiniya ka dambeysay ee ka dhacay Beledxaawo, waxa Kiiniya garatey inayna dagaal waxba kaga qaadi karin Somaliya, waxayna soo dirtey wasiirkeeda arimaha gudaha. Taas bedelkeeda waxa dawlada Somaliya u dirtey Nayroobi wasiirkeeda arimaha dibedda.


Haddaba wasiirka arimaha dibedda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isaga loo direy sidii uu Kiiniya ugala soo hadli lahaa ajendaha shirka labada madaxweyne.

”Markii aan tagey ee aan inta badan isla meel dhigney ajendaha shirka ama waxa looga hadli doona, waxa na soo dhexgalay hargabka Shiinaha, kadibna waxaan go’aansanay inaan dib u dhigno ayuu yiri.


Lama sheegin xilliga ay dib u kulmi doonaan si loo dhameeyo qaska Kiiniya ka wado Jubooyinka. Kiiniya ayaa ku fashilantey inay danaheeda ka fushato Kismaayo, waxana la ogyahay inay qorsheysay sidii ay u jahwareerin lahayd kiiska badda.


”Ma rabno inta madaxweynaha uu joogo inaan galno kiiska badda ayuu yiri xildhibaan Kiiniyaana.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.