HEESKA TAARIIKH QARAAMI.
Dhamaan Umadda Muslimiinta ah , Gaar ahaan Umada Somaliyeed ugu Danbayn Umada Somaliland . Saxaafada Madaxa banaan Dadka inta aan isu Damiirka nahay Dhamaantood waxan ku Salaamayaa salaanta salaan ugu Qaalisan ASALAAMU CALAYKUM WARAMA TULLAAHI TACAALAA WABARAKAATU .
Inta aanan Ubucda Qoraalkan u Gundo dagin aan Waxoogaa Horu dhaca ama Sharaxaad Guud ah aan Iba fur uga Dhigo.
Waxan ka wada Dharagsanahay sida Caadiga ah wax Caalamkan Korkiisa sida aan Taariikh lasoo Wariyay ku Aragnay ama Dhacdooyinka Maalinlaha ah ee aan Mar walba la Kulano
Ama wax iman Doona intaba Waxa Caadiya ama Caqliga Saliimka ah inoo Sheegayaa wax walba inay Meel Ubuc ama Xarun aw /ay ka Unkamaan ama ka Bilaamaan jiraan Marka ay sidaa tahay Adduunkan korkiisa Dadkii ka Baxay ama Magaca iyo Maamuuska ku lahaa
Tusaale Togan iyo mid Tabanba way ka Tageen Haddii aan ka Eegno Dhinaca Wanaagsan waxan Xusi Karnaa Dadkii Adduunkan Magaca iyo Maamuuska kaga tagay (M L K ) ama Martin Luther King.
Waa Halgamaa Adduunkan Magac iyo Maamuus kaga tagay waa Ninkii Hadalka Caanka baxay ka tagay ee ahaa (I DREAM ) oo Micnaheedu ahaa waxan ku Riyooday waa Ninkii Dadka Madaw ee Guud ahaan Adduunka Korkiisa ku Nool Gaar ahaan Maraykan sida Mugga Miisaanka
leh ugu Dagaalami jiray Wakhti Badan kuma Luminayo Dadka Adduunka Mahadhooyinka aan la Mahadin ka tagay Kaliya waxa inagaga Filan Arnold Hitlar ku Mashquuli mayno Markaa isaga Qoraalkaygu ma Daarno ama uma soo Xadhko Xidhan inaan Dadka Adduunkan Magaca iyo
Maamuuska kaga Tagay iyo kuwa Mahadhooyinka aan la Mahadin kaga Tagay inaan kaga Faaloodo Kaliya Tusaale ayay iga Tahay sidaas oo ay tahay Somalida Dhinaceeda Waxa soo Maray dad Maamuus,Martabad iyo Milgo Intaba ku leh Laakiin aan Odhan karo waa la Muunayn
Waayay ama sidii ay Mudnaayeen ma Helin Dabcan Dhaliishasina kuma Koobno oo kaliya Shaqsiga ama Ashqaasta aan Hoos ku Xussi Doono ee Somali oo Dhan ayay ka Dhaxaysaa Waxanan Rajaynayaa Guud ahaan Dadka Soomaaliyeed Aniga oo aan kala Qaadqaadayn inay si
Guud Caalam Korkiisa wax uga Bartaan inta aad Nooshahay Isku day inaad la Noolaato Posative Adduunkana aad wax kusoo Kordhiso Murti Soomaaliyeed ayaa Ahayd (WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO) Murti kalina waxay ahayd (ADDUUNYADU WAA MAADAYS DADKUNA WAA MATALAYAAN ).Markaa waxan uga Gol leehay inta Aad Adduunka Joogto wax fiican ama Wanaagsan oo ay Dadku ama Dhalaanka Dhalandoonaa kaa Dhaxlaan inaad ka Tagto isku day .
*****Waxba yaanan gaaf Wareegine Haddii aan u Gundo dego Gundhiga Qoraalkan Waxa uu Daaranyahay Hobalkii
Hobalada Soomaaliyeed Shaqsigii Maskaxdiisa ka Curiyay ama ka Abuuray in ay Somali idil Ahaateedba Dhaqan iyo Heeso ma Guuraan ah ay soo Saari karto isla Mar Ahaataana uu isaga Laftisu Ibo Furay Micno Badan ma Samaynayso Inaad Dadka hoga Tusaalaysaa Misana Adiga
Ficil ama Xaajadaa aad Umada ku Hogo Tusaalanaysaa kaa Dhimantahay Shaqsigani Isaga ayaa Dadka Tusay inay Somali Heesi karto waxna Abuuri karto Misana Naftisa ayuu ka Bilaabay waan Ogahay oo waan Dareensanahay Qaarkiin inay ku Fakarayaan Gabyaayo Caana
Ayaa jiray oo Murti tirin Jiray Misana ka Horeeyay waxa aan ka Hadlayno si Deganaani ku jirto Inaan iskula Fahamnaa waxay Qayb ka Tahay inaan Fahamno Qoraalkani waxa uu Daarayahay waxa uu ka Hadlayaa ama uu ka Turjumayaa Maaha Gabay ee Hobalnimo ama
Heeso Shaqsigan aan kasoo Hadalnay Haddii aan Carab Baabu waxa weeyi (CABDI DEEQSI WARFAA ….(CABDI SINIMO ) Qalinka uma Qaadan Inaan Isaga wax ka Qoro sida uu Abwaan Geesdiir ka Dhawaajay ama aan Ogahay inta Ogaalkay ah waxan Qalinka u Qaatay oo isku
Hawlay inay wax Badan ka Qoraan Qoraayo Aad u Tiro iyo Tayaba leh oo uu Calanka u Sido Abwaanka Maandheerida iyo Maanka Fayaw Allah SWT uga Dhigay Maamuus waa Qoraaga ,AQoonyahanka ,Abwaanka Abwaanada (ABWAAN BASHIIR SH.CUMAR GOOD) Kaliya waxan Rabaa inaan ka Jawaabo Su,aasha Qoraalkeenan u ah Ciwaanka oo ah
****** Maxaa igu Kalifay Inaan Qalinka ku Qotomiyo Heeskan Mucjisada ah?
Dhaaxaan Dhuganaa ,Dhagaysanaa Dhuuxnaa Heeso kala Duwan ay soo kala Saareen Abwaano Kala Duwan ay ku Luuqeeyeen Fanaaniin kala Jaad ah isla mar Ahaantaana Muusiga iyo Laxankaba Saareen Laxamiistayaal iyo Music yahano kala Duwan Tani maxay kaga Duwantahay weeyi ? Su,aasha Mudan in laga Jawaabaa
- Waa Hees ka Hadlaya Asal ahaan ama Taariikh ahaan Halka ay Heesahani kama Yimaadeen Markoodii Hore Wuxu ina Barayaa Taariikh ahaan Halka ay Kasoo Jeedaan Heesahani Sida ku Xussan Magaca Heeskan oo ah (TAARIIKH QARAAMI ) Waxay ina Tusaysaa Taariikhda Heesaha Somali Maanta Qaado Xaggii ay ka Yimaadeen ama kasoo Farcameen Marka hore Qofna Bilaa Hooyo ama Bilaa Aabe Dhalan Maayo .
2.Waa Heeskii ugu run Sheegsanaa Heesaha Wakhtiga kan .
3.Wuxu Banaanka soo Dhigay Taariikh Duugnayd Misana si Badheedha indha Looga Lalin Jiray Mararka Qaarna ay Dhici Jirtayba inay Sheegtaan Dad aan Ehel u Ahayn Waxa kan
4.Murtida ku Jirta oo Haddii Kafada Miisaanka la Saaro Culayskeeda Cabir loo Waayayo.
Tusaale ahaan (Isagoo Qolqolkiyo Fadhiya Qormadii Qalinka Cabdi Deeqsi Qayra Baxshiyo Qadiija Balwaa Qaydhiin Tirayoo Taariikh Qaraami noo Qoray )….(Aadmiga Lagu Qaybsho Qaaradaha Qayba Hidde Gaarabaa Qanciyee Qiimaysta Dhankeena Qawlka Baxee).
5..Aniga oo Dhamaantood Abwaananada ,Fanaaniinta ,Mulaxamiistayaasha,Musikyanada Somaaliyeed Tixgalin Wayn u Haya Haddana
Abwaanka Sameeyay Heeskan (ABWAAN MAXAMUD C/LAAHI GUULEED GEESDIIR ) Waa Abwaan Murti Dhaxal Gali ku Duugantahay Runtana Lagama Masuugee Abwaanimadiisu ka Cuddoontahay Abwaanada Qarniga kan Waa Abwaan Murtida kasoo Maaxataa uu Qofka Banii Aadamka ahi ee Suugaanyahanka Ahi Walaw Aanan Anigu Ahayn Qof Suugaanta u Saaxiib ah Hadana la is Odhan karo Murtida Abwaan Geesdiir Sidii Midho Daray Duuduub ayaa Lagu Liqi Karaa wax Margada ama Ma,a ma leh.
6Mulaxamiiste Eng Saciid isna sida fiican ee uu u Laxameeyay Qayb Ayay ka tahay Heeskan Inaan Mucjisadii Heesaha Qarniga ugu Magac daro .
7.Fanaaniinta Qiimaha iyo Qaayaha leh A.Ubax daahir (Ubax Fahmo ) B.Deeqa Axmed (Deeqa Gaydh ) C Farduus Xasan (Farduus VIP).
8.Musiga shaqsiga ku farayaraystay macalinkii macalimiinta Subxaanyo
9.Qofkii Fakarkani Kasoo Maaxay Maskaxdeedana ka Keentay in uu Heeskani Abuurmo ama Unkamo Taariikh Mudo Dansanaydna u Xadhko Xidhatay inay Bulshaada usoo Bandhigto Run Ahaantiina Haddii Gari Allay Taqaanaaye Runta laga Masuugayn ah Qof Bulshada Qiimo iyo Qaayo ku Dhax leh
Marwo Hodan Maxamed Nuur (Hodan Noor).
***** Marka aan wax Badan isku soo Xooriyay Waxay Ila Noqotay in Heeskani uu yahay Hees Milgihiisa aan Marnaba laga Masuugi Karin inta Caqliga iyo Cilmiga u Saaxiibka ahna way Garan Kartaa inuu Meel fog ku Dhacayo Dhawaqi kani .
Guntii Gunaanadkii &Gabogabadii .
***** Waxam kusoo Gunaanadayaa Qormada tan Kaliya Waxay iga Tahay inaan Sheegno waxa Mudan in la Sheego Inaan Mar Walba Inaga oo Xaga Wanaagsan Wax ka Eegayna inaan Tilmaano Waxa Saxan Marka aan Tilmaano Waxa Saxan ee aan Farta ku Fiiqno wixii Qaldana aan Dhahno waa wax Dhaqankeena iyo Asluumteena ku Xun Ayaabay Guusha waxa la Dhaho Gacmaheena soo Galaysaa Dhamaanteena inta Saxa u Adeegta Waxan Leehay kii/tii Sax u Adeegasaay aan Saxa u Wada Adeegno .
Fiiro ..Gaara: Buunbuunin Shaqsi ama Ashqaas igama aha Qoraalkani .
:Nin jeclaysi ama shaqsi Fogayn igama aha
Colaadin ama Ciiltooyo Cid kale igama aha
Ma ihi Xayaysiiye Suugaaneed ama Faneed
Kaliya Aragti aan Cabiray kuna salaysan Xaqiida jirta Weeyi .
Dhamaad .
Wabillaahi Tawfiiq .
Waa Qalinkii : Mohamed Mahamoud Shirdon.
Wararkii hore
Qisada Cumar binu Khadaab iyo haweenay oynaysa oo ninkeedu ka maqnaa
Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda
Heshiiska badda ee Soomaaaliya iyo Turkiga yaa ka naxay ma Axmaarka mise??? XASAASI