X

Maxaa ka dhalan kara dhuumaha gaaska Ruushka ee Maraykanku qarxiyay

Dhuumahan gaaska ka soo qaada Ruushka ee loo yaqaan NORD 1 iyo 2 ayaa Isniintii isku mar la qarxiyay waxana la arkay gaas dibedda u soo baxay qaasatan xeebaha wadamada Dhanmaak iyo Iswidhan. Khuburo Iswidhan u dhashay ayaa sheegay xalay inay u egtahay in la qarxiyay dhuumahan.



Ruushka ayaa sheegay inayna laali doonin in mijoxaabin lagu sameeyay dhuumaha gaaska ka soo qaada Ruushka geeyana Yurub inteeda kale. Dhuunta NORD 2 iyadu maba shaqayso wayna cusbayd kadib markii Maraykanku ku cadaadiyay Jarmalka inaanu furin haddana waala qarxiyay.

Haddaba waxaad is weydiin kartaa waxa ay ka dhigan tahay dhuumahan khuburada Iswidhan iyo Jarmalku isku raacsan yihiin in ujeedo ahaan loo qarxiyay ujeedadaa oo ah in Yurub dhaqaalaheedu sii burburo xilli qaboobe u galay.



”Dhuumahan oo ku yaal badda hoosteeda ayaa sida keliya ee lagu gaari karo ay tahay in la kaxaysto gujis ama markab ay saaran yihiin quusayaal aad u tababaran, tana waxay farta ku fiiqaysaa Maraykanka, waxase la weydiin karaa haddaanu fulin yuu u wakiishay ayuu yiri khabiir magaciisa qariyay oo u dhashay Iswidhan.



Dhuumahan Maraykanku qarxiyay ayaa imaanaya xilli banaanbaxyo xoogan ka socdaan Jarmalka ayadoo dadku dalbanayaan in la furo dhuumaha si qiimaha gaasku caadi ugu soo noqdo, waana ta kaliftey in Maraykanku talaabadan qaado. Marayklanka oo ka hadlay qarxintan ayaa sheegay in goolkiisu yahay in Yurub laga gooyo gaaska Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee waxay tani furaysaa jawaab ka timaada Ruushka oo uu wax ugu dhimi karo booyadaha maraakiibta ah ee gaaska ka keenaya Maraykanka kuna soo wada Yurub. Maraykanka ayaa aad uga faaiiday gaaska Ruushka ee uu ka joojiyay Yurub asagoo haaskiisa uga gada qaali waxana taasi keentay inuu burburiyo dhaqaalaha iyo lacagta Yurub.

Waxase la sugaa halka sheekadan ay ku soo dhamaato.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.