X

Xasan Culusow oo mishaharka ka jaray ciidan jooga Gedo

Saraakiisha ciidanka xooga ee gobolka Gedo ayaa xaqiijay in Xasan Culusow mishaharka ka jaray ku dhawaad 150 askari oo jooga aaga hore ee gobolka Gedo. Mishaharka ciidamadaas ay xaqa u leeyihiin ayaa ay sheegeen in la siiyay koox uu soo qortey Axmed Madoobe halka inta kalana loo qaybiyay maleeshiyo Hawiye oo la bixi jirtey ”badbaado”.



Sida ay warbaahinta uga warameen saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska ayaa xaqiijiyay in Xasan Culusow mishaharka ka jaray oo bishanba ayna qaadan mishaharkii ay xaqa u lahaayeen.



Waxay ku tilmaameen mishaharka laga jaray mid ay ka qaysadeen isaga iyo Axmed Madoobe. ”Waa talaabo qaranimada wax u dhimaysa laakiin anaga waxba nama yeelin ee isaga ayaa wax is yeelay ayuu yiri sarkaal ciidanka u hadlay.

Xasan Culusow ayaa caadiyan ah cuqdadlow qabiiliista ah oo aan cidna ka qarsoonayn laakiin aan la garanayn cida dib inoogu soo celisay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.