X

Maxaa ka jira in diyaaradaha aan is wadin ee Turkigu soo gaadheen dalka

Waxa muddo sideed bilooda ay faafinaysay warbaahinta reer galbeedka in Somaliya ay heshay diyaadaha casriga ee aduunka laga cabaaday ee aan is wadin ee ay samayso shirkada Bakhtiyaar ee Turkiga. Wadamada aduunka ayaa saf ugu jira iibsigeeda qaasatan kuwii hubka ka hormaray.


Haddaba maxaa ka jira in Turkigu siiyay dalka diyaaradan muhiimka ah

Sida ay sheegeen ilo aan lagu kalsoonaan karo Turkigu welli ma keenin diyaaradaa dalka waxase uu tababaray ciidankii ka shaqayn lahaa iyo weliba sida dayactiro ayuu qabaa Cali Calasow.


Waxase la sheegay in diyaarad la keenay xerada Turkigu ku leeyahay Soamliya oo lagu ilaalin doono xerada iyo weliba biyaha badeena ee sida xoogan loo daldasho.


Isku soo duub dalka waa u baahan yahay diyaaradd noocaasa oo dabargoyn karta argagixisada iyo welliba kuwa daldasha baddeena. ”Waxa si degdega loo soo celin karaa madax banaanidii badda ee luntey muddo 30 sano ah ayuu raaciyay Cali Calasow.



Inkastoo diyaarada laga hadlayaa ayna hub wadin, waxa keliya oo wax loo dhigaa jirin ayaa ah in dalku ogaanayo xogta badda iyo weliba tan beriga qaasatan marka la baacsanayo dhiigmiirada. Waxa kale oo lagu furi karaa wadooyinka xiran.

Aakhirka waxa lagama maarmaan noqonaysa in dalku iibsado maca hubkeeda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.