Thursday, December 7th, 2023
header










Meta







Maxaa ka jira waan isa soo dhiibeyda maalmahan aan ku aragno saxaafada reer Awdal

Waxaa maalmahan soo baxayay dhalinyar sheegtay in ay ka soo carogedisteen kacdoonka reer Awdal ee ay hogaamiyaan Suldaan Wabar iyo Cabdi Shide iyo hogaanada kale ee hawsha kula jira, waxana kow u noqdey nin sheegtay in uu ahaa taliye ciidan. Lama hubo in ninkaas uu awalba ahaa xubin daacada oo ka mida halganka waxase jira arimo run ah oo hada soo baxay laakiin horta aan dulmaro hadalkii Suldaanka.

Usbuucii hore waxa Suldaanku sheegay in uu burburey maamulkii Awdalstate waxayna soo bandhigeen  calan u gaara lama garankaro cida ay kala tashadeen, wuxuuna arinkaasi keenay in suldaanku lumiyo taageero daacad ahayd oo uu ka helayay mamulka Awdalstate taagtiisuba ha yaraadee.

Cabasho sixid ah ayaa gaadhay suldaanka ilaa hadase kama soo bixin wax jawaaba oo ku saabsan arintan iyo arimo kale oo badan waxayna u muuqdaan in looga dheereeyay dhinacii isgaadhsiinta oo ahayd in iyagu ku horeeyaan.

Waxa dad badan dhaliilayaan istaraatijiyada hadda jirta ee ku aadan kacdoonka iyo sida wax loo maamulayo. Halka dadkalana qabaan in kacdoonku aanu helin taageeradii loo baahnaa inkastoo kuwo kalana leeyihiin waxba kuma dhismaan lix bilood.

Hadaan u gudbo arimaha dhabta ee jira ayaa ah sheeko Boorama ka socota oo dhalinyarta halqabsi u noqotey ayaa ah iska dhig qof ku biirey kacdoonka reer Adal maalmo halagu waayo kadibna oday reerka haku kexeeyo hana yiraahdo wiilkeygii waa soo noqdee hala meeleeyo.

Basaaska weyn ee Boorama u fadhiya Siilaanyo ee Ramaax ayaa durba qaati ka taagan dhalinyarta wadadan noocana marta waxana laga soo xigtey in sheekadan aanu lacag u haynin ayna sii socon doonin qofkii dambe ee lagu arkana aanay jirin abaal marin ee uu xadhig mutaysan doono.

Waxase nasiib leh kuwa ay u gashay ee hadda ku helay shilimaad yar ama lagu daray maleeshiyada Siilaanyo ee joogta gobolka sida dhalinyartii shalay aan daawanay ee ay kuu cadahay in ay shaqo raadis ahaayeen.

Wadadan cusub ee furantey ee I gaadhsii Suldaan Wabar aan shaqo helee ma noqonayso mid dhamaata waxaana laga baqayaa in ay noqoto tahriibka gaaban ee shilimaadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...