X

Xisbiga Wadani oo cadeeyay in Muuse Biixi ogolaadey qodobada doorashada

Horjoogaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa heshiis la qaaday hogaamiyaha xisbiga Wadani xilli jabhadda Dulmidiid ay soo gaareen duleedka Ceerigaabo. Muuse Biixi ayaa aqbalay in daaqada laga tuuro gudigan doorashada ee hore u fashilmey.

Heshiiska oo ay wada saxiixeen ayuu ogolaatey in guddi cusub ay majaraha u qabtaan doorashada la filayo inay dhacdo aakhirka sanadka ee deegaanada.

Muuse Biixi ayaa in muddo ku doodaayay in guddiga doorashada ee hadda ay u qabtaan doorashada wuxuuna isku dayay inuu keligii galo maadaama Faysal Waraabe haysto taageerada boqolkiiba wax ka yar Hal.

Horjooge Muuse Biixi ayaa sheegay in arintan doorashada ay ka shaqeeyeen ergayga gaarka ah ee reer Yurub u jooga Sonaliya. Taas oo meesha ka saaraysa in iyaga dhexdooda ka heshiiyeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.