X

Maxaa keenay in argagixisada xoogeysato muddada Xasan Culusow?

Dhiigmiiratada shabaab ee xalaashatey dhiiga muslimiinta ayaa weerar aan gabasho lahayn ku qaaday deegaano hoostaga Somali galbeed, halkaas oo ay kala kulmeen qasaare xoogan. Waxaadse is weydiin kartaa maxaa keenay inay mudadan yar durba ku xoogeystaan?


”Jawaabya ku haboon ayaa ah inuu hogaanka sirdoonkii qaranka ee burburey uu gacanta ugu jiro isla argagixisada shabaab taasinay ay fududaysay weeraradan iyo ayagoo helay xog ayan hore u heli jirin ayuu yiri Cali Calasow.


Argagixisada oo hadda ku dhiirata inay weerarto Somali galbeed waa inay hesho xog iyo wadooyin u banaan oo ay mari karto, taasna waxa siin kara awood ka saraysa ayuu raaciyay.

Waxa sirdoonka haya nin lagu tuhunsan yahay inuu yahay aabaha argagixisada oo ay cadeeyeen dad si toosa u yaqaana Mahad Salaad. Waxana si cad inoogu sheegay sirdoonkii hore Fahad Yaasiin.



Waxa dhinaca kale la sheegayaa in Masar ay qayb ka noqon karta sahlida weerarkaan marka la eego kharash ahaan oo ujeedadu tahay in ciidanka Itoobiya ee baacsanaya Tigreega la soo jeediyo.

Waxase hubaala in ciidanka Itoobiya diyaar u yahay inuu baacsado labadaba.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.