X

Yaa fududeeyay weerarka argagixisada ay ku qaadeen Somali galbeed

Wararka aan ka helayno Afdheer oo ka tirsan Somali galbeed ayaa sheegaya in argagixisada shabaab ay weerar ka soo qaaday dhinaca buuralayda ee deegaankaas. Weerarka ayaa argagixisadu ku gubtey gawaadhi, waxana jira dhaawaq.


Dadka badankiisa ayaa is weydiiyay argagixiso ku dhifoo ka dhaqaaq ahayd inay hadda yeelato kalsooni ay ku weerarto Somali galbeed oo ay joogaan badankeeda ciidamo deegaanka ah inkastoo kuwa Itoobiya ka fogeyn.


Weerarkaa waxa ku dhintey dad shacaba waxana wararku sheegayaan in argagixisadu isku balaadhisay dhulka buuralayda ah. Haddaba ciidanka deegaanka oo taageero buuxa ka helaya dadka deegaanka ayaa markiiba jebiyay.



Waxase la sheegayaa in dhulka buuraha aan welli laga saarin. Farta ayaa ku godan Xasan Culusow iyo sirdoonkiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.