Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha lagu hayo, haddaba waxaad is weydiin kartaa maxaa keenay in hadda reer galbeedku iyo dunida kalaba ay il gaara ku fiiriyaan.

Reer galbeedka oo uu horkacayo Maraykanka waxay si degdega u rabaan in xukunka laga tuuro madaxweyne Rajab Dayib Erduqaan halka dunida inteeda kale ee uu hogaaminayo Ruushka iyo Muslimiinta badankeeda, xitaa Carabtii awal necbayd, ay hadda rabaan in Rajab Erduqaan dib loo doorto.




Waxaad is weydiin maxay tahay awoodan saa’idka ah ee ku yimi dalka Turkiga ee uu keenay madaxweyne Rajab Erduqaan. Turki ayuu ka dhigay dal awood milatari leh oo aan safaadayn, kadib hawlgalo muhiima oo hubkiisu ka keenay guulo waaweyn sida dagaalkii Armiiniya iyo Aserbajaan iyo dib u soo durkinta hogaamiyihii xooga weynaa ee Liibiya jeneraal Xajta.

Waxa intaasi dheer oo weliba maraykanka walwal dheeraada sii geliyay, hadda dalkiisu boqolkiiba 85 waxay sameeyaan hubka ay u baahan yihiin, halka dawladihii musuqa badnaa ee ay hogaamin jireen xisbiyadii Mustafe Attaturkii uu dalku si toosa u hoos yaalay Maraykanka.




”Waxa jiri jirtay xilli Maraykanku farta ugu yeeri jirtay madaxda Turkiga cid kale iska daayoo aad moodi jirtay in safiirka Maraykanka ee Turkigu uu xukumo dalka oo dhan sida hadda dalkeena ka jirta ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Haddase hadal iska daaye albaabkaa la tusayaa safiirkii soo dhaafa xadkiisa ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Waxa jirtay mar ay safiirada reer galbeedku isku tageen oo ka hadleen go’aano maxkamadeed, taas oo madaxweyne Rajab Erduqaan ku hanjabay inuu dhamaantood eryi doono, ilaa markii dambe ay raaligelin bixiyeen.




Waxaasi oo dhan waxa keenaya awooda milatari iyo ta dhaqaale ee dalku yeeshay mudadii 21 sanno ahayd ee madaxweyne Rajab talada dalka hayay. Maraykanku wuxuu rabaa inuu gacanta dib ugu dhigo Turkiga oo uu burburiyo dhaqaale ahaan iyo milatari ahaanba, wuxuuna awoodiisa dhan isugu geeyay mucaaradka oo kharash badan ku bixiyay sidii ay hal cod u yeelan lahaayeen si ay u wiiqaan golaha shacabka ugu yaraan.




”Wadamada sheegta awooda dhaqaale iyo milatari xilligan, waxay ku qasban yihiin inay dhegeystaan fikirka dawlada Turkiga marka ay timaado arimaha ka socda caalamka qaasatan kuwa ka dhacaya wadamada jaarka la ah Turkiga.

Haddayna taasi dhicina waxa wiiqmaya midkood waayo Turkigu maaha mid safaadaya awood ahaan. Waana ta keentay in isha lagu hayo doorashada Turkiga xilligan. Turkiga ayaa Iswiidhan u diiday inay ka mid noqoto isbahaysiga fashilmay ee NAATO taas oo si weyn uga caraysiisay Maraykanka.




Madaxweyne Rajab ayaa si cad u sheegay in dunidu ka weyn tahay shan oo uu u jeedo shanta la siiyay codka diidmada ee qaramada midoobay. Waa runtii waayo kama turjumayso awoodaha soo kordhay ee dunida sida Turkiga. Inkastoo aan looga baqayn kursiga madaxweynaha waxase laga baqayaa in golaha uu ka waayo aqlabiyada uu ka rabo. Waase la arki doonaa inay run tahay iyo been.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...