X

Maxaa keenay in madaxda Hirshabeelle kabaha la dulmaraan Rooble

Waxaan shaki ku jirin in Maxamed Xuseen Rooble oo hadda dhowr magac loo bixiyay kan ugu caansana uu yahay BAAHANE uu yahay shaqsigii ugu liitay ee soo mara dawladnimada dalka. Waxase hadda si xun u jarjaray madaxda Hirshabeelle waxaadna is weydiin kartaa sababta.


”Maxamed Xuseen Rooble wuxuu toos uga ganacsadaa doorashada lamana garanayo cida uu codka u wado waxaanad arkaysaa dhac iyo boob uu ku wado dadka kuraasta iska leh nidaamka hadda jira waana waxa loogu bixiyay BAAHANE inkastoo magacaasi u baxay kadib hambasdii Imaaraadka ayuu qabaa Cali Calasow.


Markii Guriceel ayaa soo weerareen maleeshiyada sheegan jirtey Ahlu Sunna ee kadibna ay diideen in waan waan uga baxaan si loo badbaadiyo dhiiga Muslimiinta, waxa la amray in la soo celiyo amarka iyo kala dambeynta ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan hadda maxaa keenay inuu ka soo horjeedsado.



”Waa baahi ayuu qabaa laakiin meel qaldan ayuu wax ka raadinayaa ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Doorashada hadda socota ayaa u dhaxaysa badbaado iyo shisheeye.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.