X

Wadankeyga waxa burburinaya Maraykanka: Yukarayn

Madaxwynaha Ukarayn ayaa afka furtey kuna eedeeyay Maraykanka iyo Ingiriiska oo daba socda inay burburinayaan wadankiisa. Maalin kasta waxay nagu wareeriyeen Ruushkii ayaa soo socda taasina waxay hoos u dhac ku riday dhaqaalahayaga ayuu yiri Folodimir.

Waa wax laga xumaado in la abuuro wax aan jirin, waxa hadda socda kama duwana wixii hore u dhacay ee ahaa in Ruushku dhoolatus ku sameeyo dhulkiisa. Maxay u jeedaan markay leeyihiin dadkayagu haka soo baxaan Ukarayn waa qalad weuyn oo ka dhana dhaqaalaha dalkiisa.

Folodimir ayaa ku nuux nuuxsaday in deganaanshaha dalkiisa ay waxwalba ka weyn tahay, haddase Maraykanka iyo Ingiriska aburaayaan xaalad aan jirin.



Maraykanka ayaa welli wada in Ruushka weerarayo Ukarayn halka Ruushku marhore sheegay inayna qorshaha ugu jirin, ee uu ka xanaaqsan yihiin hubka lagu soo daldalayo xadkiisa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.